11 ku dhimatay dagaal ka dhacay Deefow

0
923
Markacadeey.com

Markacadeey.com11 qof ayaa ku dhimatay 13 kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed saakay mar kale ka dhacay deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan.

Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa qaxay, kadib markii qeybo ka tirsan deegaanka lagubay,
Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Baledweyne, Korneyl Cali Cabdi Mahad-Alle (Cali Dhuux) ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay dagaalka.

Qaar ka tirsan odayaasha gobolka Hiiraan ayaa maalmahan waday dadaallo lagu joojinayo dagaal beeleed ka dhacay deegaannada Deefow, Kabxanleey, iyo Beereey oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Bar-kulan