Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa tilmaantay in maanta ay xukun dil ah ku fulisay afar nin oo ay ku sheegtay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, islamarkaana dilal iyo qaraxyo ka fuliyay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yaroow ayaa sheegay in afarta qof ay ku caddaatay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, maantana lagu fuliyay xukunka dilka ah.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xilli sii horeysay xukun dil ah ku riday afar-taan qof oo lagu kala magacaabo Caawiye Axmed Jaamc, Mustaf Maxamuud Shidane, Cabdinaasir Khaliif Maxamed iyo Nuur Cabdulle Cawaale.
Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo nabad sugidda ayaa joogay goobta uu ka dhacay xukunka dilka.
Bar-kulan