Afar nin oo Soomaali ah oo mid kamid ah heysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa shalay lagu xiray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda sida uu kusoo warramayo wariyaha Bar-kulan ee dalkaas.
Afhayeen u hadlay ciidanka booliska dalka Uganda ayaa sheegay in mid kamid ah afarta qof looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay kooxda Alshabaab,ayna wadaan baaritaan arrinkaasi ku saabsan.
Dowladda Uganda ayaa wadda dadaallo ay ugu hortageyso weerarro argagixiso oo ka dhaca dalkeeda, kadib digniinno ay usoo jeediyeen qaar ka tirsan dalalka reer galbeedka.
Inkabadan 65 qof ayaa ku dhimatay weerar ay sheegatay kooxda Alshabaab oo sanadkii 2010-kii lagu qaaday magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Bar-kulan