Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-shabaab oo faahfaahiyey dilalka ay geysteen ilaa bilashadii Ramadaan

0
858

Alshabaab1Al-Shabaab ayaa waxa ay faah-faahin ka bixiyeen dilal qorsheysan oo tan iyo Biloowgii Bisha Ramadaan ay ka geysteen Magaalada Muqdisho, oo badi ay ugeysteen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka dhanka howlgalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta Al-Shabaab afkooda ku hadasha, ayaa wuxuu sheegay in biloowgii Bisha Ramadaan ay Muqdisho ku dileen askar gaareysa saddex askari.

Sidoo kale maalintii labaad ee Bisha Ramadaan, ayaa wuxuu sheegay inay Muqdisho ku dileen saddex kale oo ciidamada Dowladda ka tirsan iyo masuul ka tirsanaa Wasaarada Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maalintii saddexaad ee soonka ayaa wuxuu sheegay Sheekh Abuu Muscab in Muqdisho sidoo kale ay ku dileen saddex askari, kuwaasi oo ay ku dileen halka loo yaqaan Isgosyka Afarta jartiin ee Magaalada Muqdisho.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, afhayeenka Ururka Al-Shabaab ee dhanka Howlgalada, ayaa wuxuu tilmaamay inay sii socon doonaan ugaarsiga ay ku hayaan ciidamada Dowladda ee Muqdisho ku sugan.

Abuu Muscab, ayaa sheegay sababta ay udilayaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ay tahay sida uu sheegay inay yihiin kuwa kasoo horjeeda islaamka, sida uu warka udhigay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaysa inay sugayaan ammaanka Magaalada Muqdisho.

Warkii