Dagaalo Culus oo Qasaaro kala duwan geystay ayaa Xalay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dagaal yahanada Ururka al Shabaab waxuu ku dhexmaray Degaano ka tirsan Gobolka Baay.
Dagaalkan oo ka dhacay Degaan lagu magacaabo Xabaal-barbaar oo 60 Km dhinac Koonfureed kaga beegan Degmada Qansaxdheere ayaa waxuu ka dambeeyay kadib markii Al Shabaab ay Weerareen Fariisimo Ciidamada Dowladda ay halkaasi ku leeyihiin.
Dagaalkan ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ku dhawaad 4 Ruux oo dhinacyadii Dagaalamay ah iyadoona wax Qasaaro ah uusan ka soo gaarin Dagaalkaasi Dadka Degaanka.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Qansaxdheere oo Idaacadda Shabelle ay qadka Taleefinka kula xiriirtay ayaa inoo suuro gelin in aan qadka Taleefonka ku helno si aan waxbadan uga ugoono Qasaaraha dhabta ee ka dhashay Dagaalka ka dhacay Degaanka Xabaal-Barbaar.
Shabelle