Al Shabaab oo Afduubtay Shaqaalo saarnaa Markab Kenyaan ah oo ku soo caariyay Gobolka Sh.Dhexe

0
899

AlshabaabWararka naga soo gaaraya Gobolka Sh. Dhexe gaar ahaan Degaanka Mariyaaleey oo u dhaxeeya Warshiiq iyo Cadalle ayaa la sheegayaa in Al Shabaab ay la deggeyn Shaqaalo saarnaa Markab laga leeyahay Dalka Kenya oo ku soo caariyay Shalay Xeebta Degaanka Mariyaaleey.

Dadka Degaanka ayaa Shabelle u sheegay in Degaanka Mariyaaleey aysan gacanta ku heyn Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab hase ahaatee maanta Al Shabaab ay halkaasi gaareen islamarkaana Al Shabaab ay Afduubteen Shaqaalihii saarnaa Markaabkaasi.

Shaqaalahan Markab laga qafaashay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen Muwaadiin u dhashay Dalka Kenya maadaama Markabka uu ahaa mid laga leeyahay Dalka Kenya waxaana la sheegayaa in Al Shabaab ay doon doonayeen Muwaadiniintaasi.

Lama shaacin Dhalashada Muwaadiniintan Al Shabaab ay ka Afduubteen Markab Shalay ku soo caariyay Degaanka Mariyaaleey oo u dhaxeeya Warshiiq ee Gobolka Sh.Dhexe.

Ilaa iyo hada lama oga sida Al Shabaab ay ka yeeli doonaan Muwaadiniintan u Afduuban iyadoona aan jirin wax hadal ah oo ka soo baxay Madaxda Dowladdaha Kenya iyo kuwa kale oo laga yaabo Shaqaalo uu ka saarnaa Markabkaasi.

Shabelle