Al Shabaab: waan kordhineynaaa Weerarada ka dhanka ah Dowlada Bishan Ramadaan

0
843

ShabaalCaliDheereAfhayeenka Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage “Sheekh Cali Dheere” oo Shir jaraa’id qabtay Weerarkii Xarunta Baarlamaanka kadib ayaa wacad ku maray in ay kordhinayaan Weerarada iyo Dilalka Qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho.

Sheekh Cali Dheere, Afhayeenka Ururka Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay beegsan doonaan Wasiirada, Xildhibaanada iyo Mas’uuliyiinta kala ee ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya inta lagu Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Hadalka Afhayeenka Al Shabaab ayaa waxuu imaanayaa Iyadoo Shalay Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa uu isku miidaamiyay Afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Shabelle