Alshabaab oo sii daayey shaqaalaha markab ku caaryey Shabeellaha Dhexe

0
929

MarkabKenyaAlshabaab ayaa sii daayey markab 10, July, 2014 kusoo caaryey xeebta gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan meel u dhaxeysa degmooyinka Warsheekh iyo Cadale.

Markabkaan oo ay la socdeen 10 ruux oo ahaa shaqaalaha markabka, una kala dhashay dalalka Kenya iyo Tanzania ayaa gacanta u galay Alshabaab kadib markii markabka ay wateen ku caaryey xeeb ka mid ah Shabeellaha Dhexe.

Alshabaab ayaa sheegay in sababta ay usii daayeen shaqaalaha markabkaas tahay iney dhamaantood yihiin dad Muslimiin ah oo u kala dhashaya Kenya iyo Tanzania.

Shaqaalaha markabka ee lasii daayay ee ka kooban 10-ka qof oo ukala dhashay wadamada Tanzania iyo Kenya ayay Alshabaab sheegeen in la geeyey Muqdisho.

Abubakar Xaaji Shariif oo ahaa Kabtanka markabka caaryey, oo kazoo jeedaa magaalada Mumbaasa ee dalka Kenya ayaa soo dhaweeyay talaabada Alshabaab kusoo daayeen iyo sidii loola dhaqmay.

Sarkaal ka tirsan Alshabaab ayaa sheegay in dhankooda ay wanaajiyeen shaqaalaha markabka oo ahaa dad Muslimiin musaafur ah, islamarkaana ay ka badbaadiyeen dad dhibaata ugeysan lahaa.

10, July, 2014 ayay aheyd markii Markabkan Kenya laga leeyahay kusoo caariyay xeebta Shabeelaha Dhexe kadib markii cilad ay kasoo gaartay dhanka Matoorka isagoo marayay badweynta Hindiya.

Warkii