Ambassador Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke Oo La Kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Minneapolis

0
928

Safiirka dowlada Soomaaliya ay dhawaan u magacawday dalka Maraykanka mudane Cumar CabdiRashid Cali Sharma’arke oo axadii gaaray magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka ay degan yihiin Qurbo Joogta Soomaaliyeed ee ugu badan aduunka ayaa kulan ah wadatashi iyo warbixin isi siin la qaatay madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolkaasi.

Ambassador CabdiRashid Cali Sharma’arkan waxaa uu kala hadlay madaxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Qurbaha xilka loo magacaabay, xaalada wadanka iyo sidii ay Qurbo Joogta u wada shaqayn lahaayeen madaama uu dhamaantood xil ka saaran yahay dib u dhiska dhaqan, dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ee dalku uu u bahan yahay.

Ambasadorka ayaa sidoo kale kala hadlay madaxda jaaliyadda xaalada dalka uu maraayo iyo dadaalka madaxda Soomaaliyeed ugu jiraan sidii loo soo celin lahaa sharafta iyo cisigii uu dalka iyo dadkiisaba lahaan jiray, oo ay ugu horeeso isku duubnaanta, midnimada iyo wadashaqeynta.

Ambassador CabdiRashid Cali Sharma’arke waxaa uu xaqiijiyey in wafti uu hogaaminaayo madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya uu soo booqan doono jaaliyada Soomaaliyeed, ee gobolka Minnesota, isaga oo kala hadli doono xaalada dalka uu maraayo maanta.

Dhinaca kale madaxda Jaaliyada Soomaaliyeed oo isugu jiray culimo, waxgarad, ganacsato, arday iyo siyaasiyiin, oo rag iyo haweenba leh, ayaa iyaguna warbixin ka siiyey xaalada dhabta ee Qurbo Joogta degan gobolka Minnesota, gaar ahaan magaalada Minneapolis.

Xubnaha Jaaliyadda Waxa kaloo ay u cadeeyeen Ambasadorka in ay si gacmo furan ku soo dhaweenayaan isku soo dhawaanshaha iyo wada shaqaynta jaaliyadda Soomaaliyeed iyo xafiiska Ambassadorka.

Xubnaha Jaaliyadda Waxaa kale oo ay cadeeyeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan, lana garab istaagaan madaxda dalka ee maanta iyo kuwa beriba, dib u dhiska wadanka iyo sidii cisigii dalka iyo dadkiisaba uu lahaan jiray loo soo celin lahaa.

Radio Muqdisho

CumarCabdirashid20140730_13 CumarCabdirashid20140730_12 CumarCabdirashid20140730_11 CumarCabdirashid20140730_10 CumarCabdirashid20140730_9 CumarCabdirashid20140730_8 CumarCabdirashid20140730_7 CumarCabdirashid20140730_6 CumarCabdirashid20140730_5 CumarCabdirashid20140730_4 CumarCabdirashid20140730_3 CumarCabdirashid20140730_2 CumarCabdirashid20140730_1