Wararka aanu ka heleyno Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in bartamaha magaalada Marka Qarax Miino lagula eegtay Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaasi uu bur buriyay Gaari Booyad ah oo ay wateen Ciidamada Iyadoona dadka Degaanka ay Idaacadda Shabelle ay u sheegeen in Booyadaasi ay waday Shidaal.
Qasaaraha ka dhashay Qaraxa marka laga reebo Burburka Booyadaasi ayaa la hubin maadaama Ciidamada AMISOM ay xireen Wadooyinka gala goobta Qaraxa lagula beegsaday.
Dhanka kale, Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Marka Qaraxa Miino kadib waxaa ay duqeeyeen Degaano Duleedka ka ah Magaalada Marka oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.
Majirto wax war ah oo laga hayo Duqeymaha Ciidamada AMISOM ay ka geyteen Magaalada Marka
Sikastaba Qaraxan miin oo maanta lala beegsdaay CFiidamadsa AMISOM ayaa jirin Cid sheegatay mas’uuliyadiisa mana jirto hadal ka soo baxay Saraakiisha AMISOM inkastoo Weeraraeda lala beegsado Ciidamnada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay sheegteen Ururka Al Shabaab .
Shabelle