Kulan looga hadlayay sidii sare loogu qaadi lahaa ammaanka magaalada Cadaado ee xarrunta maamulka Ximan iyo Xeeb iyo horumarinta deegaannada kale ee maamulkaas ayaa xalay lagu qabtay magaaladaas.
Kulanka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaa ka qeybgalay madaxda maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Xasan Maxamed oo kulanka kaddib la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in waxyaabaha la isku soo qaaday ay kamid aheyeen xaqiijinta amniga Cadaado, maamul wanaagga iyo sidii deegaannada aan maamulka laheyn ee Ximan iyo Xeeb maamullo loo sameyn lahaa.
Wuxuu tilmaamay in odoyaasha iyo waxgaradka ka qeyb galay kulanka ay ballan qadeen ka shaqeynta nabadda iyo horumarka deegaannada Ximan iyo Xeeb.
Bar-kulan