Amniga gobolka Banaadir oo laga shiray

0
889

Muungaab20140303_1Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in la xoojiyo amniga caasimadda Muqdisho inta lagu gudo jiro bishan barakaysan ee Ramadaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa hadalkan ka sheegay kulan shalay lagu qabtay xafiiskiisa oo ay ka qeybgaleen dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Muungaab ayaa carabka ku dhuftay inay muhiim tahay in laga hortago khatarta kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta bilicda magaalada iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen maamulka iyo shacabka.

Dhawaan ayuu maamulka gobolka Banaadir howlgaliyay 12 shirkad oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo ka shaqeynaya nadaafadda magaalada.

Bar-kulan