Ciidan ka socdo Maamulka Galmudug, oo ka mid noqonaya ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa soo gaaray Muqdisho.
Ciidamadan oo tiradiisu gaareyso 25 askari ayaa waxaa lagu xareeyay dugsiga tababarka Ciidanka Militariga ee Jazeera, halkaasoo lagu wado in muddo 6 bilood ah ay ku qaataan tababar gaar ah.
6 bilood kadib, ayaa waxaa Ciidamada Galmudug si toos ah loogu biirinayaa Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed, iyadoo ay ka qayb qaadan doonaan hawlgallada gaarka ah.
Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Gaashaanle Xasan Maxmed Yuusuf, ayaa waxa uu Ciidanka Maamulka Galmudug kula dardaarmay, inay si toos ah u qaataan tababarrada, oo ay ka faa’iideystaan.
C/samad Nuur Guuleed, Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug, ayaa sidoo kula dardaarmay ciidamadaasi iney muujiyaan akhlaaq wanaag kana faa’iideystaan tababarka.
Tababarrada waxaa bixinaaya Saraakiil ka socoto Ururka Midowga Yurub iyo Mareykanka, waxayna tani qayb ka tahay tallaabada dib loogu dhisaayo Ciidanka Soomaaliya.
Radio Muqdisho