Askar siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho

0
902

TargetingAssasinationKooxo ku Hubeysnaa Bastoolado ayaa waxa ay maanta Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya ku dileen degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Askariga la dilay ayaa waxa uu ku sugnaa Bar Kontarol oo Canshuuraha lagu qaado.

Dad Goob Joogayaal ah oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa waxa ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen in Kooxihii dilka geystay ay goobta isaga baxsadeen.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo qadka Taleefanka ugu warramaya Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu Shabelle u xaqiijiyay in falka dilka ay geysteen Kooxo Hubeysnaa islamarkaana kadib Howl gal ay Ciidanka ammaanka Sameeyeen ay ku soo qab qabteen tiro dad ah isagoo carabka ku adkeeyay in ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay falkaasi.

Dhinaca kale kooxo Hubeysan ayaa maanta Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda waxa ay ku dileen Xaafadda Cali Turcaaye ee Suuqa Xoolaha degmada Heliwaa kuwaas oo kadib dilka goobta isaga baxsaday.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa isi soo tarayay dilal iyo weerarada qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Caasimadda dalka ee Muqdisho kuwaas oo inta badan loo geysto Askarta Ciidamada dowladda iyo Masuuliyiinta qaranka.

Shabelle