Madaxa maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa shalay boqolaal askari tababar ugu soo xiray Magaalada Kismaayo.
Ciidamada ayaa la sheegay in billihii ugu dambeeyay ay tababar ku qaadanayeen Garoonka Ma dhamaato, waxaana bixinta tababarkaasi gacan ka geystay Saraakiil ka tirsa Midowga Afrika.
Axmed Madoobe ayaa ciidanka ku bogaadiyay inay xafidaan dareyska iyo hubka la siiyay inay dadkooda ugu adeegaan, isagoo ku adkeeyay inaanu u gacan gelin cadowga khatarta ku ah bulshada.
Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamadani ay dhowaan xoreyn doonaan Deegaannada, ay Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada ayaa dhoolatus Militari ku sameeyay Garoonka Madhamaato, sidoo kalana waxay hawlo roondo ah ku soo mareen aagga Madhamaato, iyagoo wata gaadiid tuuteysan oo loo qaybiyay.
Radio Muqdisho