Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabellaha dhexe ayaa Xalay Waxaa ka dhaqan galay Bandow uu Maamulka Gobolka ku soo rogay.
Taliyaha guutada kowaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Jowhar, Ibraahim Yuusuf ayaa Warbaahinta u sheegay in Bandawga looga goleeyay Xaqiijinta Amaanka Degmada.
Bandawga ayaa Bilowday 11-kii Galabnimo,waxaana uu soo gaaray SalaadiiSubax ee Saaka,Waxaana Ciidamada Amaanka ay soo qab qabteen Tiro Dad ah oo Amaandaro lagu Eedeeyey.
Magaalada Jowhar ayaa Maalmahaan waxaa ka dhaceyey Falal Amaandaro oo Qaraxyo ay qeyb ka yihiin.
Shalay Maamulka Gobolka waxaa uu Ciidamada ku Amray in ay Cid walba oo Al-shabaab Xariir laleh la dilo si loo Xakameeyo Amaanka.
Warkii