Beelaha 12 koofi banaadiriga degmada Marka oo si weyn ugu xun in aan laga qeyb galinin guddiga farsamada gobolka koonfur bari

0
1221

Beelaha 12 koofi banaadiriga ee ku nool degmada Marka ayaa si weyn ugu xumaadey in aan laga qeyb galinin guddiga farsamada ee loo xilsaarey iney maamul u sameeyaan gobolka koonfur bari.

Beelaha 12 koofi oo ka kooban 12 qabiil ee ku nool degamada Marka ayaa sheegey in ayan wax cod ku leheen dhisida dowlad goboleedka ee konfuur bari. Waxeyna sheegeen in magaalada Marka ay tahay magaalo madaxda gobolka Shabeelada Hoose, haseyeeshee aan wax tixgelin ah la siinin dadka asalka ah oo u dhashey degmada.

“Magaalada Marka waa magaalo qadiimi ah taariikh fac weyn ku leh dalka, in aayaha degaanka lagala tashan dadkeeda wax macquul ah ma aha, raalina kama noqoneyno” sidaa waxaa yiri odey dhaqmeedyada u dhashey degaanka.

Odayaasha ayagoo hadalkooda sii wata waxey sheegeen in sidoo kale dulmigaasi lagu sameeyey degmada Baraawa. Dadka asakla u ah degmada Baraawa aan lagu darin guddiga farsamada oo aan wax talo ku leeheen aayaaha iyo masiirka degaankooda.

Odayaasha ayaa ugu baaqey Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha in ay si deg-deg ah arintan wax ugu qabtaan, ayna noqdaan kuwii shacabka u horseedi lahaa cadaalad iyo sinaan. Waxeyna sidoo kale ugu baaqeen iney ka fogaadaan hiilo qabiil oo dalka u horseedi karo dagaal iyo burbur hor leh.

Todobaadkan horaanteeda ayey eheed markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay ku dhawaaqeen guddi farsamo oo ka kooban 18 xobnood, kana shaqeyn doono dhisida dowlad goboleedka koonfurta bari.

Halkan ka akhriso magacyada goddiga farsamada