Kadib kullan ballaaran oo Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Odayaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelo dhawaan ku Dagaalamay Gobolka Sh.Hoose ayaa waxey Heshiis Nabadeed ku gaareen Kulanka ay isugu yimaadeen maadaama ay sheegeen in Beelaha ku Dagaalamay Gobolka Sh.Hoose loo baahan yahay in Xal deg deg ah ay gaareen si looga samatabaxo dhibaatooyin ka jira Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
Heshiiskan dhexmaray Labada Beel ayaa waxaa kala saxiixay Ugaas Abroone Maxamed Deeq Xersi iyo Imaam C.laahi Khaliif Rooble waxaana ka qeyb galay Odayaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelo dhawaan ku Dagaalamay Gobolka Sh.Hoose.
Ugaas Abroone Maxamed Deeq Xersi ayaa sheegay in kulanka ka dhacay Magaalada Muqdisho looga gaaray Xalnabadeed oo ku aadan Beelo dhawaan ku Dagaalamay Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
Imaam C.laahi Khaliif Rooble iyo Waxgarad kale oo madasha ka hadlay iyaguna waxey tallooyin ay u soo jeediyeen Maleeshiyaadka ku Dagaalamay Gobolka Sh.Hoose iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya waxaana ay tilmaameen in Heshiiskan Nabadeed ee la kala dhexdhigay Beelahan Walaalaha ah in laga hirgeliyo Gobolka Sh.Hoose.
Nabadoon Nuurdiin Sheekh Axmed oo ka mid ah Labada Beel midkood ee Heshiiska qeyb ka ahaa ayaa waxuu qeexay in Heshiiskan looga goolahaa joojinta Dagaal Beeleedyo ka aloosanaa Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.
Ugu dambeyn, Kulankan lagu heshiisiinayay Odayaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beelo dhawaan ku Dagaalamay Gobolka Sh.Hoose ayaa waxuu ka dambeeyay Dagaal Beeleedyo ka dhacay Gobolka Sh.Hoose.
Shabelle