Beesha Abasheekh/Shashi oo beenisey warar lagu soo qorey warbaahinta Somaalida

0
1072

XamarWeyne1Qaar ka mid ah odayaasha beesha Abashiikh/Shashi oo ka qeyb galey shirkii todobaakii hore lagu qabtey magaalada Muqdishu ayaa sheegey in si qalad ah oo fasirey qo’aamadii ka baxey shirkaasi.

Qodobka ahaa “in beesha Abashiikh/Shashi ay sameysan doonto hogaan mideysan oo oo ka muuqda muraayada siyaasadeed ee dalka” uu yahay mid aan jirin oo aan shirka looga hadlin.

Beesha Abashiikh/Shashi waxey halkan ku cadeeneysaa in beelaha banaadiriga ay leeyihiin hogaan siyaasadeed oo dalka ka jira ayna si buuxda u taageersanyihiin hogaankaasi.  Mana jiri doonto mid gooni u ah beesha Abashiikh.

Shikii todobaadkii hore oo ay isugu yimaadeen beesha Abashiikh wuxuu ahaa mid loogu dan leeyahay in lagu mideeyo beesha, iyo sidii loogu abuuri lahaa howlo samafal ah oo lagu taageeraayo dadka ku dhiban gudaha dalka iyo dibadiisaba.