Bulshada Ku Nool Degmada Dhuusamareeb Oo Soo Dhaweeysay Heshiiska Maamul U Sameynta G/Mudug Iyo Galgaduud

0
965

HeshiiskaGoboladaDhexe20140731_1Bulshada ku nool degmada Dhuusamareeb ayaa soo dhoweeysay heshiiskii shalay magaalada Muqdisho ay ku gaareen Mas’uuliyiinta maamullada gobollada Galgaduud iyo Mudug, kaas oo ahaa in hal maamul loo sameeyo gobolladaasi.

Kadib markii gelinkii dambe ee shalay Muqdisho lagu saxiixay heshiis maamul loogu sameeynayo gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa arrintaasi soo dhaweeyay qeybaha bulshada ee ku nool degmada Dhuusamareeb.

Cadceed Sheekh Doon Diiriye oo ah madaxa ururrada bulshada ee degmada Dhuusamareeb oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa soo dhaweeyay heshiiska maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud oo gelinkii dambe ee shalay lagu saxiixay Muqdisho.

Heshiiska ayuu Cadceed ku tilmaamay mid taariikhi ah oo horumar u horseedi kara bulshada ku nool gobolladaasi, isagoo ugu baaqay bulshada gobolladaasi iney taageeraan oo ay soo dhaweeyaan heshiiskaasi.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis maamul loogu sameeynayo gobollada Mudug iyo Galgaduug, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen madaxda Qaranka.

Raio Muqdisho