Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir u magacaabay Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko).
Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa xaqiijiyay magacaabidda xilka Afhayeenimo ee Cali Seeko uu u magacaabay guddoomiyaha gobalka Jeneraal Muungaab.
Cali Seeko ayaa kamid ah baarlamaankii KMG ee dalka soo maray dowladdii Shariif, waxaana waayadii dambe uu ka hadli jiray siyaasadda dowladda Soomaaliya iyo tan Alshabaab isagoo aad ugu fogaan jiray habacsanaanta madaxda dowladda ee adeegga ay bulshada u hayaan oo isaga u muuqday.
Muungaab ayaa ilaa hadda si faahfaahsan uga hadlin xil ka qaadista uu ku sameeyay Afhayeenkii gobalka oo uu isaga magacaabay Axmed Showqi, waxaana wararaka qaar ay leeyihiin in Axmed loo magacaabayo xil kale oo maamulka gobalka ah.
Warkii