Howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka caasimadda Muqdisho ayaa saaka ka socda degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana howlgalkaasi ka qeyb qaadanaya ciidamada AMISOM.
Ciidamada ayaa xiray wadada Dabka, tan Taleex, wadooyinka soo gala suuqa Bakaaraha ilaa wadada Sodonka, waxeyna ciidamadu guri guri u baarayaan xaafadahaasi.
Howlgalka oo bilowday waaberigii saaka ayaa la rumeysanyahay in lagu bartilmaameedsanayo meelo lagu tuhunsanyahay iney ku dhuumaaleysanayaan kooxaha nabad diidka ah ee ka tirsan Shabaab.
Saraakiisha laamaha amaanka ee dowladda weli kama aysan hadlin howlgalkan oo ilaa iminka socda kaas oo u muuqda inuu yahay howlgal baaxad weyn oo looga hortagayo kooxaha argagixisada ah ee falalka amnidarrada ah ka geysta xaafadaha Muqdisho.
Radio Muqdisho