Ciidamada Ammaanka Oo Howlgallo Baaritaanno Ah Saaka Ka Wada Suuqa Bakaaraha

0
894

HowlgaloMuqdisho20140721Ciidamada Ammaanka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa howlgallo baaritaano ah saka ka wada suuqa weyn ee bakaaraha.

Ciidamada ayaa xiray dhamaan waddooyinka soo gala suuqa Bakaaraha, waxeyna ciidamadu hakiyeen dhaqdhaqii dadka iyo gaadiidka, halka goobihii ganacsiga ee suuqaasina ay xiranyihiin.

Ciidamada Nabadsugida, Booliiska iyo kuwa Milateriga ayaa gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha waxa ay ka wadaan baaritaanno lagu baadigoobayo hub iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay inay suuqa Bakaaraha ku sugan yihiin.

Shalay Suuqa Bakaaraha waxaa lagu dilay labo dhagarqabe oo ka tirsanaa malleeshiyaadka Al-Shabaab oo nin Askari ahaa suuqa ku dilay, kadibna lagu dilay halkaasi.

Wadooyinka saaka xiran waxaa kamid ah wadada wadnaha, wadada Baar Ubax, Black Sea, Al-Baraka ilaa Isgoyska Shiirkoole, goobahaasi oo dhan ciidamada Dowladda ayaa ku sugan oo xiray.

Ilaa hada lama ogo howlgalkaasi cidda lagu soo qab-qabtay iyadoo aysan ka hadlin Saraakiisha hey’adaha ammaanka dalka.

Radio Muqdisho