Warar hadda nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in ciidan katirsan Dawlada ay al-baabada iskugu dhufteen Idaacada Jowhar ah oo Raadiye ku yaala Magaalada Jowhar Kadib Markii Ay Gudaha Ugaleen.
Waxa si cad aan loo sheegin sababaha keenay in la xiro Idaacada Fm Jowhar waxaase warar madax banaan ay sheegayaan in amarka idaacadaasi lagu xiray uu bixiyey Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinoow Calasoow.
Waxa lasoo sheegayaa in hadda magaaladaasi ay wax idaacad ah ka shidneyn waxaana hore cilad udansaneyd Raadiye Asal la yiraahdo oo dhawaan laga hirgeliyey Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.
Warkii