Ciidanka XDS Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan G/Baay

0
910

ciidamadaDowladaCutubyo ka tirsan ciidammada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaannada Saydheeloow iyo Labaatan jiroow ee gobolka Baay oo ay horay ugu sugnayeen malleeshiyadka Al-Shabaab.

Maxamed Isaaq Caracase oo ah gudoomiyaha degmada Bardaale ayaa u sheegay Bar-kulan in ciidammadu ay deegaannada kula wareegeen howlgal xirfadeysan iyagoo maleeshiyaadka Shabaab ka qabsaday Afar baabuur oo ah kuwa dagaalka.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay deegaanadaasi ka wadaan howlgallo dheerraad ah oo ay ku xaqiijinayaan amaanka, waxaana ciidamada halkaasi kusoo dhaweeyay dadka deegaanadaasi.

Deegaannada Saydheeloow iyo Labaatan jiroow waxay 60 km Waqooyi uga beegan yihiin magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.