Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah ugu magcaabay goor dhow agaasimaha hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda, C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo horey u ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Ingariiska.
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa oggollaaday magcaabista agaasimaha cusub ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), arrintan ayaa daba socoto isbaddellada dhinaca ammaanka ee ay sameysay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Maanta ayaa wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya loo magcaabay General Khaliif Axmed Ereg, iyadoo taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliyeedna loo magcaabay Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, taasoo looga jawaabayey weerarkii fadhilmay ee ay Al-Shabaab la damacsanaayeen madaxtootada Soomaaliya.
Radio Muqdisho