Dagaal Beeleed mar kale maanta ka dhacay shabeelaha Hoose

0
947

Marka5Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in dagaal Beeleed khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay uu ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Marka iyo deegaanka Ceelwareegow ee Gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo la sheegay in uu daba socdo Xiisad Beeleedyadii ka jiray Gobolkaasi.

Inkastoo la sheegay in ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah oo uu geystay dagaalkaasi hadana ma cadda xaddigeeda.

Dhawaan ayaa waxaa Heshiis Nabadeed ku kala Saxiixday Magaalada Muqdisho Hoggaamiyayaal kala matalayay beelaha isku haya Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaas oo sheegay in qodobada ay gaareen ay ku dabaqi doonaan deegaanada Gobolkaasi.

Shabelle