Dagaal Culus oo Ciidamada Juba iyo Al Shabaab ku dhexmaray Kismaayo

0
879

Kismayo20130608Ciidamada Maamulka KMG ah ee Juba iyo Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa la sheegayaa in uu Xalay Dagaal Culus ku dhexmaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Dagaalkan ayaa waxuu ka dambeeyay ka gadaal markii Al Shabaab ay Weerar ku qaadeen Ciidamada Maamulka Juba oo howlgallo dhanka amaanka ahaa ka waday 4-ta Xaafad ee Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu Qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray Ciidamada Maamulka KMG ah ee Juba iyo kuwa Al Shabaab inkastoo aan wali la tirakoobin.

Majiro hadalo ka soo kala baxay Saraakiisha Maamulka Juba iyo kuwa Al Shabaab iyadoona xusid mudan dhalashada Bisha Ramadaan kadib in Al Shababa ay wacad ku mareen in ay Weeraro Xoogan ku qaadi doonto Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM Muqdisho iyo Gobolada Dalka qaarkood.

Shabelle