Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa sheegaya in Dagaal Culus uu Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaray Degmada Qasaxdheere ee Gobolka Baay.
Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shababa ay Weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.
Dagaalkii Xalay ka dhacay Degmada Qasaxdheere ayaa la sheegayaa in uu Qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu u geystay Askar iyo Saraakiil ka kal tirsan Labada dhinac.
Xiriir aan la sameenay Saraakiisha Degmada Qansaxdheere ee Maamulka Gobolka Baay ayaa ka gaabsaday in faah faahin ay ka bixiyaan Qasaaraha ka dhashay Dagaalkii ka dhacay Degmada Qansadheere.
Sikastaba, Ilaa iyo hada si dhab ah looma oga qasaaraha kala duwan ee ka dhashay Dagaalkii Xalay Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.
Shabelle