Danjire Sheekhey : “Soomaaliya oo heysata dhul biyo leh ,waxaa ay la’dahay agab iyo farsamo lagu qodo ceelal”

0
858

CabdulqadirShiikheySafiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ambassador Abdulkadir Shekhey Mohamed Alhatimi ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay hindisaha bani’aadanimo ee dowladda Imaaraadka Carabta ay biyo nadiif ah ku gaarsiineyso Shan Milyan oo ruux, isagoo xusay in dad ku dhow 7 milyan oo ruux oo Soomaali ah ay baahi weyn u qabaan helidda biyo nadiif ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Danjire Sheekhey , ayaa lagu sheegay in Caasimadda Muqdisho oo ay ku nool yihiin dad ku dhow seddex milyan oo ruux aaney heysan mashruuc biyo nadiif ah lagu gaarsiinayo dadka.

Safiirku waxa uu yiri “ Soomaaliya oo heysata dhul biyo leh ,waxaa ay la’dahay agab iyo farsamo lagu qodo ceelal”.

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Waxa uu ka rajeeyay dowladda Imaaraadka Carabta inay ka gacan siiso Soomaaliya xal u helidda mushkiladaasi.