Wararka ka imaanaya Gobollada Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool iyo Gedo ayaa sheegaya in gebi ahaanba ay xiran yihiin waddooyinka gala Gobolladaasi kadib isbaarooyin aad u badan oo la soo dhigay waddooyinka aada Gobolladaasi.
Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ay gebi ahaanba hakad ku jiraan dhaq dhaqaaqyadii waddooyinka Gobollada aan kor ku soo xusnay kuwaas oo ay ugu wacantahay Isbaarooyinka la soo dhoobay.
“aniga waxaan ka mid ahay darawaladda ka howl gasha Gobollada Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool wey na saameeyeen isbaarooyinkaan dowladdeenna waxaan ka dalbaneynaa in ay wax ka qabato si aan u gudanno howlaheenna” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah gaadiidleyda ka howl gala Gobollada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.
Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada Gobolka Shabeelaha Hoose Cumar Cilmi Carabeey ayaa isna sheegay in loo baahan yahay in dowladda ay wax ka qabato Jid gooyooyinka yaalla deegaanada Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kuwa kale ee Gobollada dalka ah si shacabku Nabad isaga kala gooshaan.
Shabelle