Dilal Kala oo Kadhacay Degmada Afgooye iyo Baaritaano Xoogan Hada Socdo

0
981

TargetingAssasinationWarka naga soo gaarayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Habeennimadii xalay Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ay halkaasi ku Kharijiyeen Laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.

Dilka ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay isla Degmada Afgooye, waxa ayna Kooxdaasi hubeysnaa halkaasi ku toogteen Labo Askari oo la sheegay inay kamid ahaayeen Ciidamada Booliska.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in Dhalinyaro ku hubeysan Bistoolad ay Degmada Afgooye ku toogteen Labo Askari, iyagoona xusay in Kooxahaasi ay goobta ka baxsadeen.

Dhanka kale, waxan jirin cid loosoo qabtay dilka Askartaasi, waxaana Saakay halkaasi ka socdo Baaritaano lagu xaqiijinaayo Ammaanka islamarkaana lagu baadi goobayo Ragii dilka geystay.

Warkii