Diyaarad Muqdisho u socotay oo ku bur-burtay Nairobi, Kenya

0
922

dayaaradKhat20140702Faah faahino dheraad ah ayaa ka soo baxaya Diyaarad xamuul oo Qaad usoo sidday Magaalada Muqdisho oo saaka ku burburtay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya .

Wararka ayaa sheegaya in Diyaarada ay ku dhacday xarumno ganacsi oo ku yaala degaanka Utawala, Embakasi ee Magaalada Nairobi halkaasna ay ku dhinteen 4 qof halka 2 kalana ay ku dhawacmeen.

Boliiska ayaa intaasi ku daray in Diyaarada ay ku dul dhacday Xarumo Ganacsi oo ku yaala agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Jomo kenyatta ayna burburisay gabi ahaan. Xarumahaasi ayna ka dhasheen qasaaro nafeed iyi mid hantiyadeed intaba.

Taliyaha Ciidamada Boliiska Nairobi Benson Kibue ayaa sheegay in wali ay wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay shilka diyaarada noceedu ahaa Fokker 50 ee Muqdisho ku sii jeeday.

Masuuliyiinta garoonka Jomo kenyatta ayaa dhankooda sheegay in shilka Diyaarada ay sababtay diyaarada oo jawi hoose ku duulaysay, iyagoo intaasi raaciyay in loona malaynayo in diyaarado ay ku dhacday xarkaha korantada sidaasina ay ku burburtay.

Lama oga wali wadamadaa ay ka soo jedaan dadka dhintay iyo kuwa ku dhawacmay shilkaasi diyaradeed ee Nairobi ka dhacay.

Shabelle