Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta kulan looga hadlayay ammaanka dalka, weerarkii xalay lagu qaadday xarunta madaxtooyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca caasimadda ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa guddiyada amniga iyo siyaasadda uga warbixiyay tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu xilalka uga qaaday taliyihii ciidanka booliska Sarreeye guuto Cabdixakiin Daahir Saacid iyo agaasimahii hey’adda nabad sugidda Sarreeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac.
Wasiir ku xigeenka amniga qaranka Ibraahim Yarow Isaaq oo kulanka kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay baarrayaan weerarkii ka dhacay madaxtooyada, islamarkaana ay soo gudbin doonaan natiijada marka uu dhammaado baaritaanka.
Wuxuu sheegay in isbeddelka lagu sameeyey hoggaanka hay’adaha amniga ay la xiriirto dadaallada ay xukuumadda ammaanka ku xaqiijineyso.
Saacado yar uun kaddib markii uu dhacay weerarka madaxtooyada ra’iisul wasaaraha ayaa shaqada ka eryey taliyeyaashii booliiska iyo nabad sugidda, iyadoo uu mas’uuliyiin cusub u magacaabay boosaskooda.
Bar-kulan