Dowladda Puntland iyo Maamulka Jubba Oo Heshiis Iskaashi ah wada Saxiixday, Dowlada Federaalka Digniin u diray

0
880

MadaxtooyadaPuntland20140125Dowladda Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa kala saxiixday heshiis dhinacyo badan leh ka dib markii muddooyinkii ugu dambeeyay Masuuliyiin Labada Maamul ka wada tirsan wada hadallo ay uga socdeen Magaalada Kismaayo.

Heshiiska labada dhinac ay isla gaareen waxaa ugu Muhiimsan oo labada maamul iska kaashan doonaan la dagaalanka Argagaxisada iyo hirgelinta Nidaamka Federaalka.

Maamulada Soomaaliyeed ee Puntiland iyo Jubba ayaa si wadajir ah uga digay xukuumada Federaalka Soomaaliya inay garab marto habkii Dastuurka lagu qeexay ee hirgelinta maamulada Federaalka Dalka.

Halkan ka Aqriso Nuxurka Heshiiska labada Dhinac isla gaareyn..

1:In Soomaaliya ay tahay Jamhuuriyad Federaal ah sida uu qabo Qodobka 1aad ee Dastuurka. Hadaba iyadoo arrintaan la fulinayo, waxaaa waajib ku ah Dowladda Federaalka ah inay dardargaliso hirgalinta nidaamkaas ay Soomaaliya isku raacday, waafaqsanna Dastuurka gundhigga u ah Soomaaliyada cusub ee lagu wada heshiiyay Qodobkiisa 51aad.

2:Puntland iyo Maamulka Jubba waxay aaminsanyihiin muhiimadda iyo sida lagama maarmaan u tahay dhamaystirka iyo iyo dhaqangalinta Dastuurkii lagu heshiiyay. Hadaba si taa loo gaaro, waxaa xilka wada saaranyahay Dowladda Federaaliga ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah inay si wadajir iyo iskaashi leh uga wada xaajoodaan dhamaystirka Dastuurka iyo hirgalintiisa.

3:Sidoo kale waxaan aaminsanahay in habraac walba oo lagu dhamaystirayo / fulinayo Dastuurka lagala tashado dowladaha xubnaha ah sida uu qabo Dastuurku. Wixii waxkabadal ah ee lagu sameeyay Dastuurkii lagu heshiiyay oo aan waafaqsanayn isla Dastuurka cutubka 15aad iyo Jadwalka A&B ee ka hadlaya habraaca waxkabadalka Dastuurka waxaan u aragnaa sharci darro.

4:Maamulka Jubba iyo Puntland waxay soo dhowaynayaan dhismaha maamul u samaynta 3da Gobol ee Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose waxayna la garab taaganyihiin wax walba oo taageero ah. Waxaan kaloo aaminsannahay sida uu qabo Dastuurku in deegaanada aan lahayn maamul-dowladeed guud ahaan lagu taageero dhismaha maamul-dowladeed, dowladda Federal kuna dardar galiso wixii fududayn iyo farsamo ah.

5:Labada dhinac waxay aaminsanyihiin inay xaq uleeyihiin inay ka helaan qaybtooda Deeqaha Caalamiga ee magaca Soomaaliya lagu helo waana inay Dowladda Federaalku u qaybisaa deeqahaas si caddaalad ah.

6:Labada maamul waxay aaminsanyihiin in doorashada 2016 ay ku dhacdo xilligii iyo qaabkii loogu talo galay sida uu qabo Dastuurku. Haddii qaabka qabashadeeda isbadal loo baahdo in lagu sameeyo, waa in si wadajir ah uga wada tashadaan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ah.

7:Labada maamul, waxay ku heshiiyeen in ay is dhaafsadaan wixii aqoon iyo khibrad waayo aragnimo ah iyo waliba in ay labada dhinac wadaagaan xogaha amniga iyo argagixisada caalamiga ah si la iskaga kaashado ladagaalankooda, soo afjaristooda iyo maamul wanaaga ay higsanayso Umamadayada Soomaaliyeed, si loo gaaro Dimoqraadiyad dhab ah iyo nabad waarta oo Soomaali ku wada noolaato kulana noolaato Dowladaha dariska la ah.

Allpuntland