Dowladda Soomaaliya oo ardayda u soo bandhigtay Deeq waxbarasho Jaamacadeed

0
795

XasanSheekhQalinJebin20131128_2Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ardayda Soomaaliyeed u soo bandhigtay deeq waxbarasho oo heer Jaamacadeed oo ay ka heshay Jaamaco ku yaala gudaha dalka iyo dibadiisa.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah Mas’uuliyinta sar sare ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ayay kaga hadleen deeqda waxbarasho oo Wasaaraddu ay ka heshay dalalka Yemen iyo Sudaan, kaasi oo loogu talaglay ardayda dhameysatay dugsiyada sare ee dalka, iyagoo xusay in fursadahaasi waxbarasho ay ardaydu u geli doonaan Imtixaan.

Agaasimaha Guud Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo ugu horeyn shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay sharuudaha looga baahanyahay ardayda ka faa’iideysanaysa deeqdaasi waxbarasho.

“Ardayda ka qeyb galaysay deeqahan waxbarasho looga baahanyahay inay la yimaadaan shahadaada dugsiga sare oo Asal iyo koobi, in uu la yimaado sideed sawir oo nuuca teesrada ah, in uu la yimaado warqadda Asluub wanaagga ah, in cel celiska shahaadada dugsiga sare waa in uusan ka yaraanin 75%, maxaa yeelay wadamada ma tixgeliyaan wax ka yar 75% maadooyinka oo dhan iyo in shahaadada uu wato uusan ku dhicin maado ka mid ah maadooyinka uu bartay” ayuu yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed oo isna Warbaahinta la ladlay ayaa sheegay in deeqaha waxbarasho ay ka Heleen dalalka Yemen iyo Sudan, isagoo Waalidiinta Soomaaliyeed ka codsaday inay carruurtooda ka bixiyaan lacagaha nooliga, Wasaaradduna ay heshay kursiga ardayda oo kaliya.

“Waxaan rajeynaynaa inay noqoto wax ka badan 200 oo arday, sidoo kale Jaamacadaha gudaha waxaan ka rajeyneynaa in ay deeq taa la mid ah aan ka helno, qofkasta oo Soomaaliyeed ayaa xaq u leh in uu ka faa’iideyso deeqda, mana ahan arrin siyaasadeed” ayuu yiri Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare.

Mudane Ducaale Aadan Maxamed ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay guddi u saartay ardayda imtixaanka u galaysa deeqaha la helay, waxaana uu sheegay in gudiga arrimaha bulshada ee Baarlaamanka ay la socon doonaan imtixanaadka ay ardayda u galeyso fursadaha Waxbarasho, isagoo xusay in gudigaasi ay maamulayaan qaadista iyo saxidda imtixaanka, si looga fogaado inay dhacdo wax is daba marin.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey Deeqo waxbarasho isugu jirta dugsiyada sare iyo tan tacliinta sare ka heshay dowlado dhowr ah, taasi oo ay ka faa’iideysteen arday Soomaaliyeed.

Radio Muqdisho