Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in duqeymo diyaaradeed oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah geystay uu ka dhacay deegaanno hoostaga Gobolkaasi.
Sida ay noogu warrameen ilo ku sugan deegaanada Mataa Arbaa iyo Goden dhabe ee Gobolka Gedo diyaarado Jawi hoose ku duulaya ayaa maanta duqeeyay halkaasi.
Lama oga khasaaraha ay geysteen Duqeymahaasi iyadoo xaalad kacsanaan ah laga soo sheegayo deegaanada la duqeeyay.
Dhinaca kale Ciidamo Kenyan ah oo ay la socdaan dabaabadahooda dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in ay ka soo tallaabeen Xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan Magaalada Mandheera.
Lama oga halka ay ku soo wajahan yihiin Ciidamadu balse ilo ku sugan Magaalada Mandheera ayaa sheegay in dhanka Gobolka Gedo ay Ciidamadu fooda soo aadiyeen.
Shabelle