Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya oo hambalyeeyay maalinta Xornimada

0
797

NicholasKay20140119_1Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa ugu hambalyeeyay dadka Soomaliyeed dabaal dega 54 guuradii kasoo wareegtay Maalinta Xornimadooda wuxuuna ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed in ay midoobaan siina wadaan howsha adage ee ay ugu jiraan sidi dalkooda ugu heli lahaayeen mustaqbal xasiloon.

“Maanta oo kale, 54 sano ka hor, dadka Soomaaliyeed waxay la wareegeen ka talinta aayahooda waxayna gaareen hamigoodii ahaa helida dal xor ah oo madax banaan, oo ku dhisan mabaadi’da midnimada, sinaanta iyo cadaalada. Waxaa amanta socdo howl adag oo lagu dhisaayo nabad iyo qaran barwaaqo ah.
Dabaal dega aan maanta u dabaal degeyno madax banaanida nama xasuusineyso oo kaliya, guulihii la gaaray 1960-ki, laakiinse waxaanu ka fekereynaa mustaqbalka annagoo ballan qaadeyno in aan taageerno sidi ay dadka Soomaaliyeed ku heli lahaayeen nabad iyo mustaqbal ay ku dheehantahay xasilooni” ayuu yiri mudane Kay.