Waasaaradda waxbarashada dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqday in wasaaradda waxbarshada Soomaaliya ay la saxiixatay heshiis u ogolaan doona in ardayda Soomaalida ah ay minxo waxbarsho ka helaan dalka Ethiopia.
Heshiiska ayey wasaaradda Waxbarashada ee Ethiopia sheegtay in deeqo waxbarsho iyo agab waxbarsho la siin doono ardayda Soomaalida ah laga bilaabo sanad dugsiyeedka soo aadan sida dowladda Ethiopia ay shaacisay.
Wasiirka wasaarada waxbarsahada ee Ethiopia Shiferaw Shigute ayaa xusay in heshiiskan dhanka waxbarshada ah ee dhexmaray laba dowladood ee Soomaaliya iyo Ethiopia uu yahay mid muhiim ah iskuna soo dhawayn doona dadyowga Ethiopia iyo Soomaaliya.
Shiferaw Shigute ayaa intaasi ku daray in waxbarshadu ay furo u tahay nabad ka dhalata dalka colaadu ay daashatay ee Soomaliya , isagoo xusay in Ethiopiana ay ka caawindoonto dalka Soomaaliya dhanka waxbarshada kadib heshiiskan dhexmaray labada dowladood.
Shabelle