Faah faahin: Howlgalkii ugu cuslaa oo saakay Muqdisho ka dhacay

0
908

AlshabaabLaQabteyWaxaa saakay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho laga sameeyay howlgal balaaran kaas oo ay iska kaashanayeen ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMSIOM waxaana laga fuliyay xaafado dhowr ah.

Howlgaladaan ayaa waxa ay ka kala dhaceen xaafado ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Waabari waxaana la cadeeyay in lagu soo qabtay dad tiradooda ay kor u dhaafeyso 300-qofood.

Howlgalkaan xoogiisa ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Al-Baraka ee ka tirsan degmada Hodan halkaas oo lays kugu geeyay baabuurta ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM kuwaas oo howlgalka ka qeybqaadanayay.

Dhanka kale howlgalkaas ka dhacay Hodan ayaa waxaa lagu soo qabtay ugu yaraan 200-qofood kuwaas oo soo gudbiyay xarunta danbi baarista iyada oo la kala saari doono dadkaas lasoo qabtay.

Sidoo kale degmada Waabari xaafada Maajo ayaa iyadana Howlgal laga sameeyay waxaana lagu soo qabqabtay dad looga shakiyay in ay Shabaab ka tirsan yihiin kuwaas oo lasoo farmuuqay sida la cadeeyay.

Tan iyo markii uu xilka Wasiirka Amniga la wareegay Khaliif Axmed Ereg ayaa waxaa mar kale soo laabtay howlgalada iyo baaritaanada uu sameyn jiray xilligii uu ahaa taliyaha ciidanka Nabad Sugida Gobalka Banaadir.

Warkii