Inta la xaqiijiyay ugu yaraan 5 Askari ayaa ku dhimatay tiro intaasi ka badanna waa ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen Goob Joogayaal ku sugnaa nawaaxiga golaha Shacabka xilliga qaraxa uu kadhacayay Iridda hore ee Baarlamaanka.
Gaariga loo adeegsaday qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Noah kaas oo uu waday nin Naftii hora ah.
Ciidamada ilaalada ka ah Xarunta Baarlamaanka ayaa rasaas huwiyay gaariga dabadeedna gaarigii ayaa qarxay sida Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo ku sugnaa Madasha Baarlamaanka uu u sheegay Warbaahinta.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay sida uu hadalka u dhigay In 1 qof un uu ku dhintay qaraxa 5 kalana ay dhaawacmeen.
Hoolka Baarlamaanka ayaa lagu kala cararay iyadoo uu hakad ku yimid kulankii Xildhibaanada ku lahaayeen Golaha Shacabka Muqdisho.
Shabelle