Gaas iyo suxufiyiinta Puntland oo ka wada hadlay xeerka saxaafadda

0
866

Cabdiweli20140108Madaxweynaha maamulka Puntland iyo ururka suxufiyiinta maamulka ayaa maanta ka wada hadlay xeerka saxaafadda Puntland oo la ansixiyey dhowaan.

Guddoomiye kuxigeenka ururka suxufiyiinta Puntland, Maxamed Daahir Yuusuf oo kulanka kaddib shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in ay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas hor dhigeen qodobbo ay doonayaan in lagu sameeyo dib u eegis.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in madaxweynuhu soo dhaweeyey cabashadooda.

Maxamed Daahir ayaa intaas ku daray in madaxweyne Gaas uu sheegay in maamulku ilaalinayo xuquuqda suxufiga iyo saxaafadda Puntland, uuna dhigayo qaanuunku in la helo war baahin madax bannaan.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa waxaa kaloo uu sheegay in madaxweyne Cabiwali Gaas uu u soo jeediyey suxufiyiinta Puntland in ay ilaaliyaan anshaxa iyo qawaaniinta saxaafadda.

Baarlammaanka maamulka Puntland ayaa dhawaan ansixiyey xeerka lagu dhaqayo saxaafadda Puntland.

Bar-kulan