Wararka laga helayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay Ganacsade Soomaaliyeed oo caan ahaa ku toogteen Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.
Goobjooge ayaa sheegay in Labo Ruux oo Bistoolado ku hubeysan ay galeen Xarun Ganacsi oo ku taala Magaalada Gaarisa waxuuna intaa ku daray in daqiiqado kadib la maqlay Rasaas Xoogan oo lagu Dilay Ganacsadahan.
Waxaa lagu magacabaa jiray Ganacsadaha Soomaaliyeed, Maxamed Indho-buur iyadoona Dilkiisa ay fuliyeen labo Ruux oo ku hubeysnaa Bistoolado inkastoo aan la shaacin sababta dhabta ah ee ka dambeysa.
Wararka laga helayo Dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Magaalada Gaarisa in ay gacanta ku dhigeen labo Ruux ee dishay Ganacsade Maxamed Indho-buur midkood.
Magaalada Garissa, ayaa waxaa ku sugan noocyada kala duwan ee Ciidamada Kenya, hadana waxay ka hortaggi la’yihiin dilalka sida joogtada ah kaga dhacaaya Magaaladaasi.
Warkii