Ganacsade xalay lagu dilay Baydhabo

0
786

baydhabo3Koox hubeysan ayaa xalay ku dishay xaafadda Bardaale ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ganacsade lagu magacaabi jiray Xuseen Mukhtaar Dhaysane, sida ay Bar-kulan u xaqiijiyeen ehellada marxuumka.

Marxuumka ayaa lagu dilay meel u dhow gurigiisa, iyada oo kooxihii dilka gaystay ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta ayaa sameeyay baaritaanno, balse ma jirto cid loo soo qabtay dilka marxuumka.

Horraantii bishii hore ayay koox hubeysan laba qof oo rayid ah ku dishay gudaha magaalada Baydhabo.

Bar-kulan