GAROOWE:- Wariye Lagu Xiray Magaalada Garoowe

0
987

Garowe20140114Allpuntland ayaa helaya warar sheegaya in Galabta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland lagu xiray Wariye Lagu Magacaabo Cabdalla Cadde, iyadoo wariyaha lagu wargaliyey Amar ah inuu xiran yahay.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Garoowe ayaa Allpuntland u sheegay in Wariyuhu hadda ku xiran yahay Saldhigga Booliiska Magaalada Garoowe, islamarkaasina Ciidamada Ammaanku ay gacanta ku hayaan.

Wariye Cabdalla Cadde waxaa uu horay uga howlgali jiray Telefishinka Universal, balse muddooyinkii dambe, waxaa uu isku badalay Faallo/Maqaal Qore, waxaana la sheegayaa in Maqaalada iyo Faallooyinka uu qori jiray ay kasoo horjeedeen Dowladda hadda Talada Haysa.

Lama Ogga ilaa hadda Sababta Rasmiga ah ee ka dambaysa Xariga Wariyaha, balse waxaa la xaqiijiyey in lagu xiray Amar kasoo baxay madaxtooyada Puntland, waana Wariyihii ugu horeeyay ee la xiro tan markii Xukuumadda Cusubi ay Xilka La wareegtay 8-dii Janaayo 2014.

Allpuntland