Inaa Lillaah wa Inaa Ileyhi Raajicuun.
Gudoonka barlamaanka Somaaliya waxey tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan dhamaan umadda Somaaliyeed iyo gaar ahaan eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyootey Xildhibaanada iyo fanaanada Qaranka Sada Cali Warsame.
Godoonka barlamaanka waxey Marxuumada Eebe ugu baryayaan inuu ka waraabiyo Janatul Fardowsa iyo dhamaan eheladii ay ka geeriyootey uu ka siiyo samir iyo Iimaan.
Xildhibaanada Sado Cali Warsame ayaa maanta dableey hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho ayadoo mareyso xaafada tare biyaano ee degmada Hodan.
Inaa Lillaah wa Inaa Ileyhi Raajicuun.