Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan ballaaran ku yeeshey magaalada Muqdisho, ayaa ka doodday arrimo ay ka mid yihiin ammaanka Qaranka, sidii loo qaadi lahaa tallaabbooyin cusub oo dhanka amniga ah iyo arrimaha Warbaahinta dalka.
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo muddo ka badan shan saacadood ka socday xarunta golaha wasiirrada ee Muqdisho, ayaa waxaa guddoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, shirka horraantiisa ayaa war-bixinno dhanka amniga looga dhageystay wasiirka Gaashaandhigga ahna sii hayaha xilka wasiirka Amniga Qaranka, waxa uu faah-faahiyey dhacdooyinkii amni ee ugu dambeeyey kana dhacay Muqdisho sababaha keenay iyo waxa ay uga jawaabbeen hey’adaha amniga Qaranka.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo kulanka inta uu socday haddal ka jeediyey ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Xukuumaddu ay baddesho wijiga la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana la dardargeliyo hannaanka xasilooni ee caasimadda, iyadoo taageero buuxda laga helayo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo arrimaha ammaanka ka hadlayey ayaa yiri “dhammaan hey’adaha ammaanka Qaranka laga bilaabo, maanta oo ay Tr tahay 6th Bisha July waxaan farayaa in ay gacan Bir ah ku qabtaan kooxaha argagixisada ah oo aan loo naxariisan, si shacabkeenna Soomaaliyeed ay nabad-galyo iyo xasilooni ugu dhammeystaan bishan Ramadaan, sidoo kale waa in la qaadaa ka hortag ku aaddan ficillada ay soo maleygayaan nabad diidka, Kalsooni buuxdana lagu abuuraa shacabka Soomaaliyeed”.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Musfate Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa ka war-bixiyey arrimaha adeegga Warbaahinneed ee Umadda Soomaaliyeed ay helaan kaddib golaha wasiirrada ayaa ka doodday, sidii tallaabbo looga qaadi lahaa shaqsiyaadka sida gaarka warbaahinta shacabka uga qal-qalgeliya iyo in la dhiirageliyo warbaahinta madaxa banaan si ay horumarka dalka uga qeyb-qaadataan.
Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yiri “waxaan digniin toos ah u jeedineynaa shaqsiyaadka ku howlan in ay dalka iyo dadka ku qal-qalgeliyaan warbaahinta, loomma dulqaadan doonno arrintaasi, waxaana ka dhallan doonta haddii aan laga waantoobin tallaabbada ku habboon, dhanka kale waxaan ku dhiiragelinayaa dhammaan warbaahinta Soomaaliyeed in ay sii xoojinyaan ka qeyb-qaadashada xasiloonida dalka, amiga, iyo horumarka waddanka”.
Radio Muqdisho