Qaar ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka G/Banaadir oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska ayaa xalay socod dheer kusoo maray suuqa weyn ee Bakaaraha, jidka Sodonka iyo wadada warshadaha oo ay ku teedsanaayeen cutubyo ka tirsan ciidamada amaanka iyagoo u kuurgalayay xalada amniga.
Kormeerkan ay sida wadajirka ah u sameeyeen qaar ka mid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka iyo taliyayaasha ciidanka amaanka ayaa ka dambeeyay kadib markii uu Madaxweynaha Soomaliya ku dhawaaqay in booliska iyo Nabad sugida Gobolka banaadir ay si toos ah u hoos tagayaan Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu xasuustaa kaalintii wanaagsaneyd ee uu ka qaatay sugidda amniga muddadii uu madaxda ka ahaa maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, xilligaasoo la helay amni iyo kala dambeyn, sidaas oo kale ayaa dadka ku nool Muqdisho waxa ay quudareynayaan inu wax badan ka qabandoono amaanka caasimadda, marka si rasmi ah loogu wareejiyo taliska booliska iyo Nabad sugida Gobolka Banaadir waa haddii laga dhabeeyo oo aysan noqonin maah maahyadii aheed “Qowda Maqashii Waxna ha u qaban”.
Haddaba Dhalinyarada aqoonyahannada ah ee loo magacaabay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa dadaal badan ku bixiya oo habeen iyo maalin usoo jeeda sidii Muqdisho ay amni ahaan iyo maamul ahaanba u noqon laheeyd mid la tartanta caasimadaha kale ee caalamka.
ugu Dambeyntii gudoomiyaha gobolka ayaa bulshada Soomaliyeed u iftiimiyay fikirka ay Alshabaab aaminsanyihiin iyaga oo bisha Ramadaan Ku baaqay in ay dhiig badan daadin doonaan dhanka Maamulka Gobolka Banaadir uu bulshada Soomaliyeed u qabanayo mashaariic Hormarineed waana fikirka u dhexeeya shabaab iyo dowladnimada.
Radio Muqdisho