Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay si qarsoodi ah maleeshiyada Al-Shabaab ugala qeyb qaataan ka ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha.
Warbixin ay soo saartay hay’ad ay maalgeliso dowladda Marekanka oo lagu magacaabo Institute of Defense Analyses (IDA) ayaa ku eedeysay ciidanka Kenya in ay maalgelin siiyaan Al-Shabaab, iyadoo la adeegsanayo ganacsiga dhuxusha Soomaaliya oo dhoofinteeda kal hore la mamnuucay.
Wabixintu ayaa sheegay in ku dhawaad 70 ganacsato ah oo ku kala sugan magaalooyinka Kismaayo, Gaarisa iyo Nairobi ay isku xiraan ka ganacsiga dhuxusha, warbixinta ma xusin magacyada shakhsiyaadkan.
”Ciidanka Kenya, inkastoo ay si rasmi ah uga mid yihiin AMISOM oo gacan siiso dowladda Soomaaliya haddana waxay taageeraan ganacsi sharci darro ah oo daqli ka soo gala Al-Shabaab”, waxaa sidaasi yiri George Ward oo ka tirsan machadka IDA.
IDA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay si weyn wali ugu lug leedahay ganacsiga dhuxusha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Jubbooyinka iyadoo loo dhoof-geeyo dalalka Khaliijka Carabta.
Ciidanka militariga Kenya ee KDF oo gobolka ka howlgalayo ayey warbixintu xustay in aysan waxbo ka qaban arrintaas.
Waa warbixintii labaad oo nooceeda oo kale ah oo ciidanka Kenya ku eedeyso dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, mar sii horreysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay Kenya qeyb ka tahay dhoofinta dhuxusha ee dekedda Kismaayo.
Xisbiga mucaaradka Kenya ee CORD ayaa sidoo kale ku eedeeyay ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya in ay ka ganacsadaan dhuxusha, isagoo xisbiga ku baaqay in ciidamada halkaas laga soo saaro.
Saraakiisha ciidamada Kenya si isdaba joog ah ayey u beeninayeen eedeymahan.
Bar-kulan