Ilko-xanaf: Horay ayuu u jiray xeerka Guddiga Adeegga Garsoorka

0
883

CeydiidIlkoXanafGuddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa ka soo horjeestay ansixintii baarlamaanka ee magacaabista Guddiga Adeegga Garsoorka, isagoo sheegay inuu horay u sameysnaa xeerka guddigaas.

Wuxuu tilmaamay in ay kala duwan tahay shaqada saddexda hay’adood ee tiirka u ah dowladnimada, sidaas awgeedna aan loo baahneyn inay hay’ad faragashato shaqada hay’ad kale.

Ilko-xanaf ayaa caddeeyay in dastuurka dalka uu caddeynayo inay hay’aduhu kala madax-bannaan yihiin.

Soddonkii bishii la soo dhaafay ee June ayuu baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay hindise-sharciyeedka magacaabista Guddiga Adeegga Garsoorka, kaas oo xukuumadda u fasaxaya inay isbeddel ku sameyn karto maamulka adeegga garsoorka iyo hoggaanka maxkamadaha.

Bar-kulan